Ra’iisul Wasaare Rooble oo warbixin ka dhagaystay Guddiyada Doorashooyinka Somaliland

Published: October 9, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Xilgaarsiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa warbixin ka dhageystay Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) iyo Gobollada Woqooyi (SEIT), taasoo ku saabsan halka ay marayaan howlaha u diyaar garowga doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka ku matalaya Somaliland.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa guddiyada kala duwan kula dar daarmay inay dardargeliyaan howlaha horyaala oo ay ugu horeysa soo xulista ergooyinka iyo bilaabidda doorashada Golaha Shacabka.

Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in la soo dhameystiro xubnaha ka dhiman kuraasta Senetarada Golaha Aqalka Sare, si loo guda galo doorashada kuraasta golaha Shacabka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *