Rooble oo markale ku celiyay in gorgortan aan laga geli doonin Kiiska Ikraan Tahlil

Published: October 9, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Xilgaarsiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay xubno ka tirsan qoyska Ikraan Tahaliil Faarax oo ay ku jirtay hooyada dhashay Ikraan ee Qaali Maxamuud Guhaad kuwaas oo mar kale ka soo codsaday Ra’iisul Wasaaraha in ay kulan la qaataan.

Qoyska ayaa u gudbiyay Ra’iisul Wasaaraha cabasho la xiriirta caqabado ay sheegeen in ay ku hor gudban yihiin Xeer-Ilaalinta Maxkmadda Ciidamada si ay u dhaqaajiyaan kiiska Ikraan ayna u helaan baaris madax bannaan iyo caddaalad.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku celiyay in dhankiisa aanu wax gorgortan ka galeynin kiiska Ikraan ayna ka go’an tahay in ay caddaalad ay hesho maalin uun ha dhawaato ama ha dheeraato.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa carrabka ku adkeeyay in arintaas ay maxkamad hortaallo oo maalin maalmaha ka mid ah gacanta lagu dhigi doono dambiilayaashii ku lugta lahaa kiiska.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *