Sucuudiga oo Danjire cusub u soo magacaabay Soomaaliya

Published: October 9, 2021

Boqortooyada Sacuudi carabiya ayaa Axmed bin Maxamed Al-Muwallad u soo magacowday inuu noqdo safiirkeeda cusub ee uga howlgali doona Soomaaliya.

Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan, Binu Cabdulcasiis ayaa aaladda fogaan aragga ku dhaariyay Safiirka cusub, waxaana madasha dhaarinta goobjoog ka ahaa dhaxal sugaha Sacuudiga Amiir Muxamed Bin Salmaan.

Boqortooyada Sucuudiga ayaa safiir rasmi ah u soo magacowday Soomaaliya.

Danjiraha la magacaabay Axmed bin Maxamed Al-Muwallad ayaa noqon doona safiirkii u horreeyey ee Muqdisho u fariisan doona 30 sanno kaddib Dowladda Sucuudi Carabiya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *