Axmed Fiqi: Qoor-Qoor wuxuu go’aansaday dagaal burbur ku keenaya Galmudug – Video

Published: October 10, 2021

Wasiirkii Amniga ee Galmudug Axmed Fiqi oo todobaadkan sheegay inuu xilka iska casilay ayaa shir jaraa’iid uu qabtay ku faah faahiyey sababta ku khasabtay inuu xilka isaga tago iyo khilaafkii soo dhexgalay isaga iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor-Qoor.

Fiqi ayaa sheegay in markii hore uu kamid noqday xukuumada Galmudug si loogu gurmado Galmudug xili ay ku jirtay marxalad adag, isla markaana ay ku guuleysteen inuu wax badan ka qabto xaaladihii amni ee gobaladaasi ka jiray, halka Qoor-Qoor ku mashquulsanaa Muqdisho & Villa Soomaaliya.

Axmed Fiqi ayaa ku eedeeyey Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor inuu dhegaha ka fureystay in si nabad ah loo wajaho xiisada xiligan u dhaxeysa Ahlusuna Waljamaaca iyo maamulka Galmudug.

Qoor Qoor waa diiday in duulaan lagu qaado Al Shabaab, balse wuxuu door biday in duulaan lagu qaado Ahlusuna Waljamaaca oo aan xiligan wax dhib ah ku hayn Galmudug kana mid ah shacabka deegaanka….”

Axmed Fiqi ayaa sheegay in duulaanka ku wajahan Guriceel laga leeyahay dano siyaasadeed.

Wasiirkii Hore ee Amniga Galmudug ayaa sheegay in ololaha iyo colaad la doonayo in laga abuuro Galgaduud ay tahay mid ay ka danbeyso Villa Somalia laguna carqaladeenayo doorashada dalka.

“…Waxaan dowlada Federaalka ka codsanay inay ciidamo-nasiiso markii aan la dagaalameynay Al Shabaab, balse way diideen, laakiin hada waxay ciidamo kasoo daabuleen Muqdisho si loo weeraro Ahlusuna Waljamaaca…’ ayuu yiri xildhibaan Axmed Fiqi.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *