Mashruuca Nalaynta Bosaaso oo wajigii sadexaad lasoo gaba gabeeyay

Published: October 10, 2021

Waxaa meel wanaagsan maraya Mashruuc leyrarka ku shaqeeya korontada lagu iftiiminayo waddooyinka magaalada Bosaaso, waxaana mashruucan fulinaya Dowladda Hoose Bosaaso oo kaashanaysa Wakaaladda Xoogga Korontada Eneeye iyadoona lasoo gaba gabeeyay wajigii sadexaad

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland Maxamed Musadiq Maxamed iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorshaynta ahna Gudoomiyaha Degmada Bosaaso Cabdiqani Axmed Ismaaciil (Deera-dile) iyo masuuliyiin kale ayaa xalay kormeeray Mashruucan nalaynta Magaaladda Bosaaso oo lasoo gaba gabeeyay wajigii sadexaad.

Masuuliyiinta ayaa lug ku maray qaybta kowaad ee mashruuca nalaynta oo ka bilaabmayaa jidka Garoonka Diyaaradaha ilaa Hotel gacayte ,qaybta 2aad jidka labaad ee garoonka diyaaradaha ilaa Dowladda hoose ama Aargada Gaaca iyo Qeybta 3aad Masjidu Raxma ilaa Madaxtooyadda.

Mashruucan Nalaynta magaaladda Bosaaso ayaa loogu tagalay soo celinta iftiinka bilicda iyo amniga magaalada waxaana dhinac socda mashruuca dhiraynta nadiifinta si magaalada Bosaaso ay u noqoto mid u diyaarsan hormar dhan walba leh mashruucyadan ayaa dhamaantood waxa fulinaya Dowladda Hoose ee Degmada Bosaaso.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *