Amniga Doorashooyinka Qof iyo Cod ee degmooyinka Puntland oo laga shiray

Published: October 11, 2021

Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa shir gudoomiyay kulan diiradda lagu saaray amniga doorashooyinka Dawladaha hoose ee degmooyinka Eyl, Ufeyn iyo Qardho, kuwaas oo loo balansan yahay in dhawaan la qabto.

Shirka waxaa kasoo qeyb galay Gudoomiyaha Gudiga Kumeel Gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland Guuleed Saalax Barre iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad.

Sidoo kale shirka waxaa qeyb ka ahaa saraakiil sare oo amni, kuwaas oo ay ka mid yihiin la-taliyaha dhanka ammaanka ee Madaxweyne Deni, Taliyaha Booliiska Puntland, Taliyaha Ciidanka Difaaca Puntland, Agaasimaha Waaxda Amniga, Hay’adda Sirdoonka Puntland iyo saraakiil kale.

Qoraal ay wasaaradda amniga Puntland kasoo saartay shirkaas ayaa lagu sheegay in is-faham iyo guul uu ku soo dhamaaday, isla markaana lagu gaaray go’aamo lagu sugayo amni doorashooyinka dowladaha hoose ee dhawaan la qabanayo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *