Kulan 2 maalmood u socday Talibanka iyo Maraykanka

Published: October 11, 2021

Waxaa Axaddii shalay lagu soo gabagabeeyey magaalada Doha ee dalka Qatar shir laba maalmood socday oo dhexmarayey wafduud ka kala socota Xukuumada Talibanka ee Afghanistan iyo Maraykanka.

Kulankan ayaa ahaa kii ugu horeeyey oo fool ka fool ah oo dhexmara labada dhinac tan iyo markii ay kooxda Talibanka la wareegeen awooda Afghanistan 15kii Agoosto.

Wafdiga ka socda Talibanka ayaa waxaa hogaaminayey Wasiirka Arrimaha Dibada Mullah Amir Khan Muttaqi.

Maraykanka ayaa sheegay in Talibanka laga doonayo inay kasoo baxaan balanqaadkoodii inay sugi doonaan amniga isla markaana dhowri doonaan xaquuqul Insaanka gaar ahaan xaquuqda haweenka.

Talibanka ayaa dhankooda doonaya in Maraykanka iyo Beesha Caalamka ay qaadaan cunaqabateynta dhaqaale iyo xayiraada saaran 10 bilyan ee lacagtii Afghanistan si ay dowlada Talibanka u bixiyaan adeega bulshada iyo mushaharaadka shaqaalaha dowlada.

Inkastoo aan wax heshiis ah laga soo saarin shirarkii socday labadii maalmood ee lasoo dhaafay ayey hadana labada dhinac sheegeen in wadahadalkaasi uu ahaa mid wanaagsan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *