Maraykanka oo xabsiga dhigay Sarkaal bixiyey sirta Maraakiibta Nukliyeerka

Published: October 11, 2021

Wasaarada Cadaalada ee Maraykanka ayaa Axaddii shalay shaacisay in xabsiga la dhigay Injineer u shaqeyn jiray ciidamada Badda ee Maraykanka iyo Xaaskiisa kuwaasi oo lagu eedeeyey inay bixinayeen sirta Maraakiibta Nukliyeerka ee Maraykanka.

Baaritaankan oo socday muddo bilo ah ayaa la sheegay inay hogaamineysay hay’ada danbibaarista ee FBI, kuwaasi oo iska dhigay dowlad shisheeye isla markaana lacag u balan qaaday Injineerkan 45 jirka ah ee ku nool magaalada  Annapolis ee gobalka Maryland.

Injineerkan oo u maleenayey saraakiisha FBI-da inay yihiin dowlad shisheeye ayaa kulan labo jeer dhacay ku wareejiyey USB ay ku jirto xogta sirta ah ee Maraakiibta ku shaqeeya Nukliyeerka ee ciidamada badda Maraykanka, kulankii sadexaad ayaa la xiray ninkan iyo waliba xaaskiisa oo la sheegay inay la shaqeenaysay.

Salaasada berri ah ayaa lagu wadaa in labadooda la horgeeyo maxkamada Maraykanka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *