Xubno kamid ah Guddiga Doorashooyinka Heer Federal oo gaaray Bosaaso

Published: October 11, 2021

Xubno kamid ah Gudiyadda Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) iyo Heer Puntland (SEIT) ayaa maanta gaaray magaalada Bosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Garoonka Diyaaradaha magaaladda Bosaaso xubnahan waxaa kuso dhoweeyay Masuuliyiin ka tirsan Puntland, Maamulka gobolka Bari iyo kan degmada Bosaaso.

Socdaalka xubnahan ayaa salka ku haya dardar galinta howlaha shaqo ee arimaha doorashooyinka maadaama Bosaaso ay kamid tahay magaalooyinka lagu qabanayo 16 kursi oo kamid ah Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *