Xafiiska Xuquuqul insaanka Puntland oo ku baaqay in gargaar loo fidiyo dadkii lasoo masaafuriyay

Published: October 11, 2021

Xafiiska Difaacaha Xuquuqul Insaanka Puntland ayaa war kasoo saaray xaaladda dadkii laga soo musaafuriyay magaalada Laascaanood kadib markii uu kormeer ku tagay xaaladda nololeed ee Qoysaska la dejiyay duleedka Gaalkacyo.

War kasoo baxay Xafiiska ayaa lagu sheegay in barakacinta khasabka ah ee dadkan rayidka ah ay yihiin falal xadgudub ku ah shareecada Islaamka iyo Xeerarka Caalamiga, wadanoolaanshaha bulshada Soomaaliyeed iyo dhaqamada bahdilka iyo ciqaabta ah.

Xafiiska Difaacaha Xuquuqul Insaanka Puntland ayaa ugu baaqay Hay’adaha Caalamiga iyo kuwa Maxaliga in ay gargaar bini aadanimo oo deg deg ah loo fidiyo Qoysaska lasoo Masaafuriyay.

Hoos ka akhriso Qoraalka oo dhameystiran

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *