Maxkamadda ICJ oo Soomaaliya u xukmisay Xad badeedka ay muranka gelisay Kenya

Published: October 12, 2021

Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ ayaa go’aan ka gaartay kiiskii dacwadda badda Soomaaliya ee ay muranka gelisay Kenya iyadoo lahaanshiyaha Badda ay u xukmisay Soomaaliya.

Maxkamadda ayaa diiday doodda ugu weyn ee ay ku doodaysay Kenya taas oo ah jiritaanka xad u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya oo la barbar ah xariiqa loolka ,Soomaaliya ayaa mowqifkeedu ahaa in xadaynta lagu saleeyo laynka tooska ah ee ku astaysayn xuduudda badda, halka Kenya ay dooneysay in xariiqda lagu saleeyo loolka.

Maxkamadda ayaa sameysay xariiq cusub oo ah xuduud badeedka labada dal, Sida ka muuqata xariiqda cusub, inta badan dhul-badeedkii ay sheegatay Kenya ayaa la diiday waxaana loo xukumay Soomaaliya. Hase yeeshee inyar ayaa sidoo kale laga reebay dhul-badeedkii ay sheegatay Soomaaliya, oo ka billaabata kadib 12 mile xariiqda tooska ah ee ku aadan xuduuddda dhulka.

Dhul badeedka Soomaaliya ee ay muranka gelisay Kenya ayaa dhan 100,000 oo isku wareeg KM ah oo ay dhex ceegaagaan Macdan iyo kheyraad dabiici ah.

Dacwadda Badda ayaa soo jiitamayay muddo tobon sano ah iyadoo uu soo maray marxalado kala duwan oo ugu dambeyn keenay in labada dowladood uu soo kala dhexgalo khilaaf Diblomaasiyadeed oo meel xun gaaray.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *