Wasiirka Amniga oo hortagay Guddiga Nabadgalyada iyo Amniga Golaha Wakiilada Puntland

Published: October 13, 2021

Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR Puntland ayaa hortagay Guddiga Amniga & Nabadgalyada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland kaas oo Wasaaradda ugu yeeray Aqalka Wakiillada.

Ujeeddada ayaa ahaa is xog-wareysi u dhexeeya Guddiga iyo Wasaaradda, Wasiirka Amniga iyo DDRta Mudane, Cabdisamed Maxamed Gallan oo ay wehliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane, Maxamed Iimaan Cabdulle iyo Agaasimaha Maamulka & Maaliyadda Faysal Cabdullahi Farateeb ayaa waxay ka warbixiyeen guud ahaan xaaladaha amniga ee dalka, waxyaabaha u qabsoomay, caqabadaha haysta Wasaaradda iyo weliba baahiyaha jira, iyadda oo sidoo kalena, su’aalo laga weydiiyay arrimaha ay ka hadleen.

Ugu danbayn Wasaaradda Amniga ayaa Guddiga Amniga & Nabadgalyada Golaha Wakiilada Puntland la wadaagtay waxqabadyadii wasaaradda u qabsoomay, qorshayaasha hor u tabinta leh, caqabadaha jira iyo fursadaha u baahan in laga faa’iidaysto si loo adkeeyo amniga iyo xasiloonida Puntland.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *