Faransiiska oo billaabay inuu ciidamada kala baxo MALI

Published: October 14, 2021

Dowlada Mali ayaa sheegtay inay kasoo horjeedo go’aanka dowlada France oo bilowday inay la baxdo qaar kamid ah ciidamadii kajoogay dalka Mali.

Ciidamada France oo ka hawlgalayey wadanka Mali ayaa hawlgalkooda bilaabay 2013 si ay uga hortagaan kooxaha xagjirka ah ee dalkaasi ka dagaalama.

Militariga France ayaa doonaya inay ka baxaan magaalooyinka ku yaal waqooyiga Mali sida Kidal, Timbuctu iyo Tessalit.

Raysalwasaaraha Mali Choguel Kokalla Maïga ayaa sheegay inay xukuumadiisa ka xuntahay in xiligan France ciidamada la baxdo, isagoo sheegay in go’aankaasi uu yahay mid aan iyaga lagala tashan.

Hase yeeshee Wasiirka Difaaca ee France Florence Parly ayaa beeniyey inay xiligan gebi ahaan isaga baxayaan dalka Mali, balse sheegay in qorshaha lagu dhimayo ciidamada uu ahaa mid horey ay ugu wada heshiiyeen dowlada Mali.

Faransiiska ciidamada ka jooga Mali ayaa gaaraya 5000 askari, waxaana lagu wadaa in hoos loo dhigo tiradaasi, iyadoo la filayo in 2000 askari oo kaliya ay sii joogi donaan dalkaasi. Ciidamada France ayaa intii ay ku sugnaayeen Mali looga dilay 52 askari.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *