Guddiyada Doorashooyinka oo ka shiray xareynta Ergada Doorashada Golaha Shacabka

Published: October 14, 2021

Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowlad goboleed ayaa magaalad Muqdisho ku yeeshay Shir kusaabsan bilaabidda xaraynta ergada doorashada Golaha Shacabka.

Shirka oo socday muddo sadex cisho ah ayaa waxaa ka qeybgalay Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federaal, kaasi oo isugu yeeray Shir gudoonada Gudi hoosaadka Doorashooyinka Somaliland, Galmudug, Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Banaadiriga iyo Guddiga Xalinta Khilaafaadka,

Ujeeddada shirka ayaa ah bilaabidda xaraynta ergada doorashada Golaha Shacabka iyo Qodobo kale oo muhiim ah.

Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaan la ogeyn xiliga ay bilaaban doonto iyadoo ay xusid mudan tahay in qaar kamid ah Dowlad goboleedyada aanay weli soo dhameystirin Doorashada Senetarada Aqalka Sare.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *