Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo la kulmay Safiirka cusub ee Midowga Yurub

Published: October 14, 2021

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta shir la yeeshay safiirka cusub ee Midowga Yurub u jooga Soomalia Mss Tiina Intelmann, isagoo ugu hambalyeeyay xilka culus ee loo magacaabay.

Duqa magaalada Muqdisho iyo safiirka Midowga Yurub ayaa ka wada hadlay arima dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen doorashooyinka la filayo iney Caasimadda ka dhacaan, arrimaha Amniga gobolka, shaqa abuurka dhallinyarada, xal u helidda maareynta Barakacyaasha iyo dib-u-dhiska magaalada.

Mudane Cumar Filisha ayaa balan qaaday in Maamulka Gobolka uu hirgelin doono shaqo abuurka dhallinyarada, ayna diyaar u yihiin xoojinta Nabadgelyada caasimadda iyo bilic soo celinteeda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *