Norway: Weerar lagu dilay 5 qof

Published: October 14, 2021

Booliiska Norway ayaa gacanta ku dhigay nin xalay weerar ka geystay magaalada Kongsberg oo 80km galbeedka uga beegan caasimada Oslo.

Ninkan u dhashay dalka Denmark ayaa la sheegay inuu weerarkan u adeegsaday Qaanso iyo Fallaadho, isagoo si aan kala sooc lahayn u weeraray dad ku sugnaa goob dukaan ah, waxaana la sheegay in weerarkan ay ku dhaawacmeen labo qof oo kale oo uu ku jiro Askari booliis ah oo xiligaasi aan shaqo ku jirin.

Booliiska ayaa baaraya sababta weerarkan ka danbeysay iyo inuu salka ku hayo arrimo argagaxiso.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *