Wasiir Beyle oo Aaladda Fogaan aragga uga qeybgalay Shirka Wasiirada Afrika

Published: October 14, 2021

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa aaladda fogaan aragga uga qeyb galay shirka Wasiirada Maaliyadda ee Afrika, kaasi oo looga hadlayay arrimo badan oo ay ugu horeyso kobcinta dhaqaalaha iyo ka soo kabashada saameynta dhaqaale ee cudurka COVID-19.

“Waxa aan galabta ka qeyb galay shirka Wasiirada Maaliyadda Afrika iyo Madaxweynaha Bangiga Adduunka David Malpass., waxa aan ka doodnay Qaarad ahaan iyo Dal ahaan sidii looga soo kaban lahaa saameynta Maaliyadeed ee COVID-19 iyo Caqabadaha Maaliyadeed”. Ayuu yiri Wasiir Beyle.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sharaxay habka Soomaaliya uu uga socdo hanaanka dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo sida ay uga go’an tahay hufnaanta Maaliyadda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *