Xuska 14ka Oktoober ee Qaraxii Soobbe

Published: October 14, 2021

Waxay maanta ku beegantahay sanadguuradii 4aad ee qaraxii boqolaalka qof ku dhinteen ee ka dhacay isgoyska Soobbe ee magaalada Muqdisho 14kii Oktoober 2017.

Qaraxaasi ayey ku dhaawacmeen in ka badan 1000 qof kuwaasi oo u badnaa dad shacab ah oo wadada marayey iyo kuwii ku sugnaa goobihii ganacsiga ee ku yaallay goobta uu qarax ka dhacay.

Qaraxan oo la rumeysan yahay inay geysatay kooxda Al Shabaab walow aysan sheegan ayaa ahaa weerarkii Argagaxiso oo ugu weynaa ee halmar ay ku dhintaan tiro intaas la’eg oo dad ah marka laga yimaado weeraradii 911 ee ka dhacay dalka Maraykanka.

Dowlada Federaalka Soomaaliya oo qaraxaasi guddi u saartay ayaa 4 sano kadib weli laga sugayaa inay warbixin dhameystiran kasoo saarto weerarkaasi iyo cidii fududeysay iyo waliba tilaabooyinkii ay qaaday si cadaalada loo horgeeyo dadkii ku luglahaa weerarkaasi.

Xukuumada Federaalka ee uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa si weyn loogu dhaliilaa inay wax ka qaban weyday balanqaadkii ay horey ugu fidiyeen dadkii ay dhibaatada soo gaartay oo ay kamid ahayd;

1-In dowlada ka qeyb qaadan doonto kaalmeynta qoysaskii ay dadka ka dhinteen.

2-Dib u dhiska goobihii ganacsiga ee burburay.

3- Duulaankii uu Madaxweyne Farmaajo ku dhawaaqay maalmo kadib weerarkaasi oo uu sheegay in lagu soo afjari doono kooxda Al Shabaab oo weli weerarada ka geysanaysa magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Balanqaadkii Farmaajo?

Madaxweyne Farmaajo ayaa wacad ku maray in si degdeg ah uga jawaabi doonaan falkaas.

Farmaajo ayaa markii la doortay sheegtay in Al-Shabaab uu baabi’in doono laba sano gudahood, wuxuuna u sheegay dhallinta ka mid ah kooxdaasi xagjirka ah in ay muddo kooban isku soo dhiibaan.

“Haddii aynaan ka jawaabin waxa maanta ay sameeyeen, dhibaatadaan way sii soconeysaa illaa hilbeheena aan ka aruursano dhulka. Ma u dulqaadaneysaa midddaas?”

khudbadii Farmaajo 19 Oktoober 2017

Shacabka Soomaaliyeed ayaa si weyn ugu gurmaday qoysaskii khasaaraha ay kasoo gaartay weerarkaasi aan la illaawi karin, xuska maalintan ayaa ah mid si gaar ah u taabanaysa dhamaan shacabka Soomaaliyeed iyo qoysaskii badnaa ee dadkooda ku waayey weerarkaasi.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *