Lebanon: Dagaal ka dhacay caasimadda Beirut

Published: October 15, 2021

Ugu yaraan 6 qof ayaa ku dhintay dagaal khamiistii shalay kooxo hubeysan ku dhexmaray caasimada Lubnaan ee Beyruut.

Iska horimaadka ayaa bilowday kadib markii koox hubeysan ay rasaas ku fureen dadweyne ka qeyb qaadanayey banaanbax ay soo qaban qaabiyeen Shiicada Xisbullah.

Banaanbaxan ayaa looga soo horjeeday Garsooraha gacanta ku haya kiiska Qaraxii sanadkii hore ka dhacay Dekadda magaaladaasi oo khasaare badan geystay.

Iska horimaadka ka dhacay bartamaha magaalada Beyruut ayaa u dhaxeeyey kooxaha hubeysan ee Kirishtaanka ah iyo Shiicada dalkaasi oo markale dadka soo xasuusisay dagaalkii sokeeye ee horey dalkaasi uga dhacay.

Ciidamada Militariga ayaa la dhigay wadooyinka waaweyn ee magaalada si ay uga hortagaan kooxaha hubeysan ee ku dhex-dagaalamay caasimadda.

Xukuumada Lubnaan iyo Beesha Caalamka ayaa ku baaqay in xasiloonida la illaaaliyo, waxaana lagu dhawaaqay maalin baroordiiq ah iyadoo lagu wado in maanta oo Jimce ah la aasoo dadkii ku dhintay iska horimaadkii shalay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *