Maraykanka oo sare u qaadaya Deeqda Talaalka Covid19 ee Afrika

Published: October 15, 2021

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden oo Khamiistii shalay Aqalka Cad ku qaabilay Madaxweynaha Kenya Uhurru Kenyatta ayaa sheegay in maamulka cusub ee Maraykanka uu xooga saarayo sidii loo xoojin lahaa xiriirka ay la leeyihiin dalalka Afrika.

Kenyatta oo xiliga booqasho rasmi ah ku jooga dalka Maraykanka ayaa noqonaya hogaamiyihii ugu horeeyey ee Afrikaan ah oo la kulma Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden tan iyo intuu xilka qabtay.

Dowlada Kenya oo xiligan qabatay Guddoonka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale dooneyso inay hesho taageerada Maraykanka ee dhinaca heshiisyada ganacsiga iyo militariga.

Uhurru Kenyatta ayaa sheegay inuu kala hadlay Maraykanka la dagaalanka argagaxisada oo ay iska kaashadaan gaar ahaan la dagaalanka Al Shabaab, sidoo kale Kenya ayaa sheegtay inay dadaal ugu jirto sidii xal loogu heli lahaa dagaalka ka socda wadanka Itoobiya iyo guud ahaan Amniga Geeska Afrika.

Joe Biden ayaan soo hadal qaadin in Maraykanka xiligan diyaar u yahay heshiis cusub oo ganacsi oo uu la galo Kenya, balse wuxuu sheegay in Maraykanka ay sare u qaadi doonaan talaalka ay ugu deeqayaan dalalka Afrika ee uu saameeyey cudurka Covid19.

Maraykanka oo horey qaarada Afrika ugu deeqay 50 milyan oo ah Talaalka caabuqa Covid19 ayaa sheegay inay hada ku kordhinayaan 17 milyan oo dheeraad ah.

Biden ayaa si gaar ah u amaanay dowlada Kenya oo uu sheegay inay fure u tahay xiriirka wanaagsan ay la leeyihiin Afrika, wuxuuna Uhurru Kenyatta ku amaanay waxqabadka dowladiisa, isagoo ku booriyey la dagaalanka Musuq Maasuqa.

Madaxweynaha Maraykanka ayaan soo hadal qaadin fadeexada heysatay maalmihii lasoo dhaafay hogaamiyaha Kenya oo kamid ahaa madaxda caalamka ee lagu xusay baaritaankii caalamiga ahaa ee  (Pandora Papers) oo lagu shaaciyey dhaqaalaha uu aruursaday Madaxweynaha Kenya iyo lix kamid ah qoyskiisa oo malaayiin dollar ku maalgashaday shirkado kala duwan iyo hantida ay dhigteen goobo ka baxsan dalka Kenya.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *