Afghanistan: In kabadan 50 qof oo ku geeriyooday qarax ka dhacay Masjid

Published: October 16, 2021

Qarax ka dhacay gudaha Masjid ay ku cibaadaysanayeen Dad shiico ah oo ku yaala magaalada Kandahar ee dalka Adghanistan ayaa galaaftay in ka badan 50 qof halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Sawirro laga soo qaaday gudaha masjidka ayaa muujinaya khasaaro baaxad leh oo ka dhashay qaraxa sida daaqado jajaban iyo maydad dhulka yaal.

Masjidka ayaa waxaa buux dhaafiyay dad cibaadeysanayay xiliga weerarka ismiidaaminta ahaa uu dhacayay.

Kooxda isku magacawday Dawladda Islaamka Daacish ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay ka dambaysay masuuliyada qaraxa.

Ciidamo ka tirsan Xoogaga Taalibaan ee gacanta ku haya magaalada Kandahar ayaa gaaray goobta qaraxu ka dhacay, waxaana ay ka codsadeen bulshada in ay gargaar u fidiyaan dadka ku dhaawacmay weerarka ismiidaaminta ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *