Britain: Nin Asal ahaan Soomaali ah oo lagu tuhmayo dilka xildhibaan ka tirsanaa xisbiga Conservative

Published: October 16, 2021

Booliska dalka UK ayaa sheegay in dilkii loo geystay xildhibaan ka tirsanaa xisbiga Conservative-ka oo lagu magacaabi jiray Sir David Amess uu la xiriiro fal argagaxisanimo.

Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Ingiriiiska ayaa Bbc u sheegay in ninka falka geystay uu u muuqdo nin asal ahaan Soomaali ah walow ay socdaan baaritaanada la xiriira falkan.

Ninka dilka geystay oo da’diisa lagu sheegay 25 sano jir ah dhalasho ahaanna haysta Britain ayaa lagu xiray goobta uu falku ka dhacay isagoo loo heysto tuhunka ku aaddan falka dilka ah, booliskuna waxa ay sheegeen inaysan cid kale u raadineynin mas’uuliyadda falkaas dhimashada sababay.

Xildhibaanka la dilay Sir David ayaa dhowr jeer lagu dhuftay toorey xilli uu Jimcadii ku sugnaa deegaanka Leigh-on-Sea oo ka tirsan gobolka Essex, oo ah halka laga soo doortay isla markaana uu bulshada deegaanka kulan kula lahaa Kaniisad ku taala deegaanka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *