Qarax ka dhacay magaalada Beledweyne

Published: October 16, 2021

Sida ay sheegayaan wararka nasoo gaaraya qarax xooggan ayaa waxa uu ka dhacay saldhiga booliska ee magaalada Beledweyne.

Ilaa iyo inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku dhintay labo kalena way dhaawacmeen qaraxa oo ka dhacay maqaayad laga cunteeyo sida aan kasoo xiganay ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo.

Wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in dadka ku dhintay qaraxa ay ka mid yihiin Gudoomiyaha iyo kuxigeenkii deegaanka feer feer .

Sidoo kale dadka ku dhaawacmay qaraxa waxaa kamid ah taliyihii saldhiga Booliiska magaalada Beledweyne inkastoo dhaawiciisu uu yahay mid fudud.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *