Laftagareen oo qaabilay Wakiilka Hay’adda FCA ee Soomaaliya

Published: October 17, 2021

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xarunta Madaxtooyada ku-meel gaarka uah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo waxa uu ku qaabilay Wakiilka Hay’adda FCA ee Soomaaliya Ikali karvinen.

Ikali karvinen Wakiilka cusub ee Hay’aada FCA ee Soomaaliya iyo Xubnaha ku wehlinayey socdaalkiisa ayaa Madaxweynaha Warbixin ka siiyey socdaalkooda iyo Waxyaabihii uqabsoomay sanadihii lasoo dhaafay waxaana ay xuseen in Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay kala shaqeynayaan Dhisida Gollaha Deegaanka Degmooyinka Koonfur Galbeed,Hormarinta Waxbarashada,Caafimaada iyo Daadejinta Adeegyada Dowlada.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa U-mahadceliyey Wakiilka Hay,adda FCA Ikali karvinen iyo Madaxda ku wehlinaysa Socdaalkiisa waxaana uu xusay in ay bogaadinayaan shaqada wanaagsan ee Hay’adda ay ka wado deegaanada Koonfur Galbeed.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *