Axmed Madoobe oo daahfuray Kulan wadareedka Golaha wasiirada Jubaland

Published: October 18, 2021

Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta furay kulan wadareedka Golaha Wasiirada Jubbaland Kaasi oo lagu dardar galinayo qorshayaasha Golaha Wasiirada Jubaland.

Kulankan oo ah aqoon iswaydaarsi looga hadli doono Isku xirka hawlaha dowladda ayaa waxaa uu socon doonaa mudo seddex maalin ah, kaasi oo ay bixinayaan Aqoonyahano isugu jira Soomaali iyo Ajaanib ah.

Kulankan oo ay qeyb ka ahaayeen labada Madaxweyne kuxigeen iyo Gollaha Wasiirada Jubbaland ayaa lagu wadaa in ay wax badan ka faa’iidaan dhammaan wasiirada si xukuumada ay uga shaqeyso danaha Jubbaland iyo in la ilaaliyo wadashaqeynta guud ee hay’addaha kala duwan ee dowladda.

Madaxwayne Axmed Madoobe oo khudbada furitaanka ka horjeediyay Golaha wasiirada Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa kula dardaarmay inay ka faa’idaystaan wasiiradda aqoon iswaydaarsigan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *