Dhageysiga Khudbadaha Musharixiinta Aqalka sare oo Kismaayo ka bilaabanaysa

Published: October 20, 2021

Musharixiinta Aqalka sare ee uu dhawaan magacaabay Madaxweynaha Jubaland ayaa lagu wadaa in ay maanta khudbado ka horjeediyaan Xildhibaanada Baarlamaanka Maamul goboleedka Jubaland.

Musharixiinta khudbaha jeedin doona ayaa gaaraya 8 xubnood, waxaana ay ku tartami doonaan 4 kursi oo kamid ah 8 kursi ee Aqalka sare laga soo doorto Jubaland.

Khudbaha musharixiinta marka ay soo idlaadaan maalinta beri oo khamiis ah ayaa lagu wadaa in Xildhibaanada Baarlamaanka Jubaland ay doortaan afarta kursi ee ka dhiman Aqalka sare taasoo ka dhigaysa in Jubaland ay dhameystirtay 8 kursi ee Senetarada Aqalka sare ka imaanaya deegaanadeeda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *