Golaha Amaanka oo ka shiraya Gantaalkii ay tijaabisay Kuuriyada Waqooyi

Published: October 20, 2021

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulan deg deg ah ka yeelanaya gantaalkii ay Salaasadii shalay tijaabisay dowlada Kuuriyada Waqooyi.

Gantaalkan oo la sheegay inuu yahay nooca loo adeegsan-karo hubka nukliyeerka ayaa laga tuuray mid kamid ah Maraakiibta Gujiska, waana tijaabadii labaad oo ay Kuuriyada Waqooyi todobaadyadii lasoo dhaafay kusoo bandhigayso hubkooda cusub.

Dalalka jaarka la ah ee Japan iyo Kuuriyada Koonfureed oo uu wehliyo Maraykanka ayaa si wadajir ah u cambaareeyey falkan oo ay sheegeen inuu khatar ku yahay amniga gobalka.

Kuuriyada Waqooyi ayaa dar-dargelisay tijaabinta hubkooda cusub, xili xukuumada cusub ee Maraykanka ay sheegtay inay dib u bilaabeyso wadahadalkii ay kula jireen dalkaasi.

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa dadaal xoogan ugu jira inuu helo noocyada kala duwan ee hubka nukliyeerka si uu isaga difaaco khatarta uga imaan karta Maraykanka iyo xulafadiisa.

Waxaana kamid ah hubka uu sida weyn xooga u saarayo inuu helo, gantaalada nukliyeerka xambaara ee laga tuuri karo Maraakiibta badda quusta ee Gujiska, si uu uga hortago in xarumihiisa berigga ku yaal ay bartilmaameed ama yool u noqdaan weerar uga yimaada Maraykanka iyo xulafadiisa.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *