Haiti: Burcad afduubatay wadaado Kirishtaan ah oo codsaday 17 Milyan oo dollar

Published: October 20, 2021

Koox burcad ah oo qafaalatay koox wadaado diinta kirishtaanka faafiya oo ku sugnaa dalka Haiti ayaa codsaday lacag madax-furasho ah oo gaareysa 17 milyan oo dollar.

Dadkan la afduubtay Sabtidii lasoo dhaafay ayaa gaaraya 17 qof oo kasoo kala jeeda dalalka Maraykanka iyo Canada, waxaana ku jira 5 caruur ah.

Dowlada Maraykanka ayaa sheegtay inay ka shaqeyn doonto sidii dadkaasi xoriyadooda u heli lahaayeen.

Dadkan kasoo jeeda Maraykanka iyo Canada ee la qafaashay ayaa u shaqeeya hay’ad Kirishtaan ah oo lagu magacaabo Christian Aid Ministries oo xarunteedu tahay dalka Maraykanka, waxayna booqasho ku tageen xarun lagu xanaaneeyo caruurta agoonta ah oo ku taal xaduuda dalkaasi Haiti la wadaago wadanka ay jaarka yihiin ee Dominican Republic.

Kooxda Afduubka geysatay ayaa loo yaqaan 400 Mawozo waxayna horey dalka Haiti uga geysteen falal afduubasho ah.

Xaalada Amni ee dalka Haiti ayaa si weyn looga deyrinayaa iyadoo bishii Luulyo ee sanadkan weerar ka dhacay xarunta Madaxtooyada dalkaasi lagu dhex dilay Madaxweynihii xilka hayey Jovenel Moise.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *