SYRIA: Qarax lala beegsaday Bas siday Askarta dowlada

Published: October 20, 2021

Ugu yaraan 13 qof ayaa la rumeysan yahay inay ku dhinteen qarax saaka oo Arbaca ah ka dhacay magaalada Dimishiq ee caasimada wadanka Siiriya.

Qaraxan ayaa la sheegay in wadada lagu xiray isla markaana lala eegtay gaari bas ah oo siday Askarta dowlada Bashar Al Assad.

Xukuumada Siiriya ayaa falkan ku eedaysay kooxaha hubeysan ee dalkaasi ka dagaalamaya.

Qaraxa ayaa ka dhacay nawaaxiga Buundada Xaafid-Al-Assad ee bartamaha magaalada Dimishiq subaxnimadii xili ay dadka usocdeen shaqada iyo Iskuulada.

Waa markii ugu horeysay oo qarax noocaan ah ka dhaco caasimada Siiriya oo muddooyinkii danbe ka nasatay qaraxyada kadib markii ay ciidamada Bashar Al Assad la wareegeen goobihii ay kooxaha hubeysan gacanta ku hayeen ee duleedka magaaladaasi.

Waxaase todobaadyadii lasoo dhaafay jiray weeraro kala duwan oo lala beegsaday gaadiidka militariga oo ka dhacay barigga wadankaasi, weeraradaasi oo ay geysatay kooxda ISIS.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *