Afghanistan: 10 wadan oo taageeray baaqa xukuumada Talibanka

Published: October 21, 2021

Xukuumada Talibanka ee Afghanistan ayaa taageero ka heshay 10 wadan oo ka qeyb galay shir ka dhacay magaalada Moscow ee caasimada Ruushka, shirkaasi oo loogu baaqayey in Beesha Caalamka ay gargaar la gaarto wadanka Afghanistan.

Dalalka Russia, China, Pakistan, India, Iran, Kazakhstan, Kyrgyzstan, Tajikistan, Turkmenistan iyo Uzbekistan ayaa taageero u muujiyey dowlada Talibanka iyagoo ku baaqay in la qabto shirweyne Qaramada Midoobay ay dhaqaale ugu aruurineyso dalka Afghanistan.

Talibanka oo olole ugu jira aqoonsi caalami ah ayaa codsanaya in Maraykanka uu qaado xayiraada uu kusoo rogay in ka badan 4 bilyan oo dollar ee kaydkii Bangiga Dhexe Afghanistan, lacagtaasi oo ay xukuumada Talibanka dooneyso inay u isticmaasho adeega bulshada iyo bixinta mushaharaadka.

…Marnaba ma ogolaan doono in wadankeena loo isticmaalo xarun laga weeraro dalal kale…” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibada ee Talibanka Amir Khan Muttaqi.

Talibanka ayaa sheegay inay kasoo bixi doonaan balanqaadkoodii ahaa sugida amniga iyo xaquuqul insaanka.

Maraykanka oo aan isagu ka qeyb gelin shirkii Arbacadii shalay ka dhacay Moscow, ayaa dhinaca kale sheegay inay diyaar u yihiin inay kasoo qeyb galaan shirarka danbe, iyagoo arrimo farsamo ka cudurdaartay inay ka qeyb galaan shirkaasi ka dhacay caasimada Ruushka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *