BRAZIL: Aqalka Sare oo ku baaqay in la maxkamadeeyo Madaxweyne Bolsonaro

Published: October 21, 2021

Warbixin kasoo baxday guddiga Aqalka Sare ee Brazil usaaray qiimeynta & baaritaanka khasaaraha ka dhashay cudurka Covid19 ayaa ku eedeeyey Madaxweynaha Brazil inuu sabab u ahaa in cudurkaasi si baaxadleh wadankaasi ugu faafo.

Dalka Brazil ayey cudurka Covid19 ugu dhinteen in ka badan 600-kun oo qof, waana dalka 2aad ee khasaaraha ugu badan ka geystay caabuqa coronavirus marka laga yimaado dalka Maraykanka oo ay dadka ugu badan ku dhinteen.

Madaxweynaha Brazil Bolsonaro oo sanadka soo socda olole ugu jira in markale la doorto ayey guddiga Aqalka Sare ee Baarlamaanka dalkaasi sheegeen inuu mudan yahay in la maxkamadeeyo.

Go’aanka ugu danbeeya ee maxkamadeynta Madaxweynaha waxaa leh Xeer illaaliyaha dalkaasi oo isagu ah qof uu magacaabay Bolsonaro kana mid ah xulafadiisa siyaasadeed.

Guddiga Aqalka Sare baaritaankan waday 6dii bilood ee lasoo dhaafay ayaa sheegay in Madaxweynaha uu diiday inuu qaado wax tilaabo ah oo looga hortagayo cudurka Covid19, uuna muddan yahay in lagu soo oogo dacwad la xariirta geerida dadka udhintay cudurkaasi & danbiyo ka dhan ah xaquuqul Insaanka.

Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa soo jeedinta guddigan codka u qaadi doona asbuuca soo socda, waxayna qaar kamid ah Baarlamaanka dalkaasi sheegeen in hadii xeer illaalinta maxkamadeyn weyso Bolsonaro ay dacwadan u gudbin doonaan Maxkamada Caalamiga ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *