Jubaland oo dhameystirtay 8 kursi ee Aqalka sare

Published: October 21, 2021

Maamulka Jubbaland ayaa maanta dhameystirtay Afartii Kursi Ee ka harsaneyd 8-da Kursi Aqalka sare ee deegaan Doorashadooda tahay Jubbaland.

Doorashada kuraasta Aqalka sare oo ka qabsoomtay magaalada Kismaayo ayaa waxaa kusoo Baxay Senatorada Kala ah ,Xassan Daahir Yarow, Laylo Nuur maax, Ibrahim ow-gaab iyo Maryan Faarax Kadiye.

Maamulka Jubaland ayaa noqonaya maamulkii shanaad ee dhameystira doorashada kuraasta Aqalka sare, Galmudug ayaana noqonaya maamulka kaliya ee aan weli dhameystiran doorashada Aqalka sare.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *