SUDAN: Xiisada ka dhex qaraxday Xisbiyadii xukunka ka tuuray Cumar Al Bashir

Published: October 21, 2021

Qaar kamid ah Xisbiyadii mucaaridka ee dalka Sudan ayaa ku dhawaaqay maanta oo Khamiis ah inay bilaabayaan banaanbaxyo balaaran oo looga soo horjeedo Dowlada Kumeelgaarka ee hada dalkaasi ka talisa.

Xisbiyadan oo kamid ahaa isbaheysigii kacdoonka xukunka uga tuuray Madaxweynihii hore Cumar Al Bashiir sanadkii 2019, ayaa si weyn u dhaliilsan qaabka ay wax u maamulayaan hogaamiyayaasha talada loo dhiibay ee dowlada Kumeelgaarka ah oo laga rabo inay doorashada qabato sanadka 2023.

Dowlada hada shaqeysa ayaa ka kooban Golaha Qaranka oo ay ku jiraan xubnaha ka socda Militariga & Xisbiyada dalkaasi, sidoo kale xukuumada ayaa hoostagta Raysalwasaaraha Abdalla Hamdok.

Asbuucyadii lasoo dhaafay ayey banaanbaxyo ka wadeen Madaxtooyada Khartuum xisbiyadan gadoodsan, waxayna qaarkood ugu baaqeen in gebi ahaan awooda ay la wareegaan militariga iyagoo shaki ka muujiyey qaabka ay hada wax u wadaan xubnaha kamid ah Dowlada Kumeel gaarka ah.

Xisbiyada kacdoonka hada wada ayaa sheegay in 4 xisbi oo kaliya ay hada talada dalkaasi isku koobeen isla markaana meesha laga saaray xisbiyadii kale ee horey uga mid ahaan jiray isbaheysigii ku guuleystay kacdoonkii 2019.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *