Biden oo sheegay in Maraykanka difaaci doono Taiwan hadii China ay weerarto

Published: October 22, 2021

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden oo ka qeyb qaadanayey kulan su’aalo ay shacabka weydiinayeen ayaa sheegay in dowlada Maraykanka ay difaaci doonto dowlada Taiwan oo xiligan cadaadis xoogan kala kulmeysa China.

Maraykanka iyo Taiwan ayaa xiriir dheer iyo iskaashi militari ka dhaxeeyaa, balse waa markii ugu horeysay oo uu Maraykanka sheego inuu si toos ah dagaalka u geli doono hadii China duulaan ku qaado jasiirada Taiwan oo ay xukuumada China u aqoonsan tahay qeyb kamid ah dhulweynaha Shiinaha.

China ayaa bishan dardar gelisay dhoolatuska ciidamada oo ay ka wado Badda iyo hawada Taiwan, sidoo kale Wasiirka Difaaca ee Taiwan ayaa sheegay in qorshaha China uu yahay inay duulaan ku qabsato jasiirada Taiwan inta aan la gaarin sanadka 2025.

Maraykanka oo hub iyo taageero militari siin jiray Taiwan ayaa horey uga gaabsan jiray inay si toos ah ugeli doonaan dagaalka hadii China ay weerarto Taiwan, hadalkan Biden ayaa ah mid guux weyn abuuray.

Hase yeeshee qoraal goor danbe kasoo baxay Xafiiska Madaxtooyada Maraykanka ee Aqalka Cad ayaa lagu sheegay inaan waxna laga bedalin siyaasadii hore ee Maraykanka ee arrimaha Taiwan, arrintaasi oo u muuqata mid lagu qaboojinayo xiisada ka dhalan karta hadalada Madaxweyne Biden.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *