Goobaha waxbarashada Puntland oo la fasaxay xili doorashada Qof iyo cod…

Published: October 23, 2021

Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa fasaxday Xarumaha Waxbarashada ee Degmooyinka Garowe,Eyl, Qardho, Ufayn, iyo Boosaaso xilli maalin kadib loo dareeri doono doorashada Qof iyo cod ee degmooyinka Qardho,Ufayn iyo Eyl.

Warsaxaadeed ka soo baxay Xafiiska ku simaha Agaasimha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland ayaa lagu sheegay in la fasaxay goobaha waxbarashada laga bilaabo 24-ka bisha ilaa 25-ka bishan October si loo dhiirageliyo isla markaana ay bulshadu qeyb uga qaaadato codeynta doorashada.

Hoos ka akhriso warqadda kasoo baxday Wasaaradda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *