Wasiiro kamid ah DF oo Kismaayo u gaaray qiimeynta Abaaraha kajira Jubaland

Published: October 23, 2021

Wefdi Wasiirro ah oo uu Ra’iisul Wasaare Rooble u xil saaray arrinta abaaraha ka jira Jubbaland ayaa gaaray magaalada Kismaayo.

Wafdiga oo u kuurgalaya xaaladda abaarta ayaa la kulmay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo guddiga abaaraha ee Jubbaland, oo ay ka dhageysteen warbixin ku saabsan heerka iyo saameynta abaartu ku yeelatay deegaannada Jubbaland.

Wefdiga ayaa sidoo kale dowlad-goboleedka Jubbaland gaarsiiyay deeq dawo ah oo hordhac u ah gurmadka dowladdu ka geysaneyso caawinta dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay kaalin ka qaataan gurmadka walaalahood, isagoo hay’adaha gargaarka iyo beesha caalamkana ugu yeeray in ay deg deg ugu gurmadaan dadka abaaruhu aafeeyeen ee ku nool Jubbaland iyo deegaanno kale oo dalka ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *