Madaxweyne Deni: Doorashada Puntland waxay tusaale u tahay Soomaaliya inteeda kale

Published: October 25, 2021

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa codeeyay oo codkiisa ka dhiibtay Doorashada Golaha deegaanka ee degmada Qardho, oo ah tii ugu horeysay nooceeda ah ee ka dhacda Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in doorashadan taariikhiga ah ay tusaale u noqon doonto dalka intiisa kale, wuxuu sidoo kale sheegay in xisbigiisa aqbali doono natiijada.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ugu baaqay dadka codeynaya in ay u dhabar-adeygaan safafka dhaadheer ee ay ku jiraan, kulka, boorka ama dabeysha iyo wixii la mid ah.

Wuxuuna kula dardaarmay in maanta gudanayaan xuquuqda ay u leeyihiin in ay wax doortaan lana doorto.Madaxweynaha ayaa Hadalkan jeediyay isagoo kormeerayay goobta lagala soconayo arrimaha Doorashada, halkaasi oo ay ku suganyihiin korjoogto isaga yimi dal iyo dibad.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *