Erdogan oo ka laabtay hanjabaadii inuu eryi doono safiirada reer galbeedka

Published: October 26, 2021

Madaxweynaha Turkiga ayaa ‘soo dhaweeyay’ hadallada ka soo yeeray safaaradaha reer galbeedka – oo uu ku jiro Mareykanka – ee ah in ay u hoggaansamaan axdiga diblumaasiyadeed ee ah in aan la faragelin arrimaha gudaha ee dalka martida loo yahay.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Isniintii ka laabtay hanjabaadii uu ku sheegay inuu 10 safiir oo reer galbeedka ah uu dalka ka eryi doono, kadib bayaan ay si wadajir ah u soo saareen oo ay ku taageerayaan hogaamiyeyaasha ururrada rayidka ee ku xiran Turkiga.

Erdogan ayaa sheegay inta lagu guda jiro usbuucan inuu amar ku bixiyay in dalkiisa laga saaro oo loo jaro (persona non grata) safiiradda doonaya in la sii daayo samafale caan ah oo lagu magacaabo Osman Kavala oo 64 jir ah, oo afar sano u xirnaa eedeymo ah inuu maalgeliyay dibad-baxyo iyo inuu ku lug lahaa isku day afgambi.

Hadalka Erdogan ayaa yimid kadib markii Maraykanka iyo dhowr kamid ah dalalka kale ee ay khusayso ay soo saareen bayaan isku mid ah oo ay ku sheegeen inay ixtiraamayaan axdiga Qaramada Midoobay ee dhigaya in dublamaasiyiintu aanay faragelinin arrimaha gudaha ee dalka martida loo yahay.

Erdogan ayaa sheegay in hadalkan cusub uu muujinayo in ay wax ka bedaleen hadaladii uu ku sheegay “aflagaadada ka dhanka ah dalkooda”, isaga oo intaa ku daray

“…Hadda kadib wey taxadari doonaan….”

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *