Inqilaabka SUDAN: Maraykanka oo deeqdii ka jaray SUDAN

Published: October 26, 2021

Dowlada Maraykanka ayaa sheegtay inay deeqdii ay siin jirtay Sudan oo gaareysa 700milyan oo dollar ay ka jartay dalkaasi kadib inqilaabkii ay Militariga markale xukunka kula wareegeen.

Militariga ayaa shalay iyo maanta dilay in ka badan 10 qof oo shacab ah oo kasoo horjeeday inqilaabka.

Raysalwasaarihii dalka Cabdalla Xamduuk oo diiday inuu aqbalo afgembiga ciidamada ayaa la sheegay in goob aan la aqoon lagu xiray.

Dhinaca kale urur goboleedka IGAD ayaa walaac ka muujiyay xaaladda ka jirta Sudan.

Xoghayaha IGAD ayaa si kulul u cambaareeyay isku day kasta oo lagu carqaladeynayo dowladda KMG ah.

Dalka Sudan ayaa xiligan ah Guddoonka meertada ah ee Urur Goboleedka IGAD.

IGAD ayaa ku baaqday in si deg deg ah loo sii daayo Ra’iisul Wasaare Cabdalla Xamduuk iyo dhamaan hogaamiyeyaasha & siyaasiyiinta xiran.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *