Natiijada doorashada qof iyo cod ee degmooyinka Puntland oo saaka lagu dhawaaqayo

Published: October 26, 2021

Tirinta codbixinta doorashooyinka Qof iyo Cod ee degmooyinka Qardho ,Ufeyn iyo Eyl ayaa intooda badan soo idlaatay marka laga reebo hal seejo oo ku taala Qardho oo Guddiga KMG ee Doorashooyinka Puntland ay sheegeen in saaka lasoo gaba gabeynayo .

“Alxamdulillah waxaa soo gabagaboobay tirintii codadka 53 goobood oo ku yaalla 3-da degmo, waxaa wali socda tirinta 1 goob oo Qardho ku taalla. Waxaan isla maanta ALLE idankiis shaacinaynaa codadka Urur walba helay iyo liiska xubnaha golaha deegaanka ee 3-da degmo.

ayuu yiri Guddoomiyaha guddiva Doorashooyinka Puntland, Guuleed Saalax:

Inkastoo aan lagu dhawaaqin natiijada doorashada hadana waxaa jira natiijooyin hordhac ah oo Urur siyaasadeedyada ay Degmooyinka ka heleen codbixintii dhacday.

Degmada Ufeyn Ururada ayaa natiijo hordhac ah ka helay codbixinta doorashada sida ay hordhac ahaan u shaaciyeen xubnaha Guddiga doorashooyinka ee kusugan Ufeyn.

Kaah 1687
Mideeye 1300
Sinaan iyo Cadaalad 1248
Mustaqbal 192
Horseed 180
Runcad 47
Shaqaalaha 13
Dhalinyarada 11
Ifiye 8

Waxaa jira codad lagu muransan yahay iyo kuwo xumaaday kuwaasoo weli Guddigu kala shaandheeynayo isla markaana hubin ku sameynayo, hase ahaatee wadarta Guud ee ka Codaysay Ufeyn ayaa gaaraya 5366 iyadoo codadka ansaxa Noqday ay dhan yihiin 4739.

Gudoomiyaha Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland Guuleed Saalax Barre oo ka hadlayay magaalada Qardho ayaa sheegay in tirinta codeynta doorashadii dhacday ay qayb ka ahaayeen shaqaalaha doorashada ee goobaha codbixinta, wakiilada ururada, korjoogto maxalli ah iyo saxaaafadda oo inta badan goobaha kormeer ku marayay.

Magaalada Qardho ayaa ah degmada uu loollanka ugu badan ka socday ololaha Doorashada maalmihii tagay waxaana aan la heli karin natiijada hordhaca ah ee ay kala heleen ururadu halka degmada Eyl iyo deegaano badan oo degmooyinka laga codeeyay hoosyimaada ay lamid yihiin Qardho oo kaliya la sugi karo natiijada lagu dhawaaqo Doorashada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *