Natiijada Doorashadii Golaha Deegaanka Qardho

Published: October 26, 2021

Guddiga Doorashada iyo maamulka gobalka Karkaar ayaa ku dhawaaqay natiijadii Doorashadii Qof iyo Cod ee lagu soo doortay Golaha Deegaanka cusub ee magaalada Qardho xarunta gobalka Karkaar, Puntland.

Natiijada ayaa markale muujisay in Sadexdda urur ee ugu codod badan ay kala ahaayeen ururka KAAH, Mideeye iyo Cadaaladda & Sinaanta oo helay kuraasta ugu badan.

Ururka Kaah ee uu hogaamiyo Madaxweynaha Puntland ayaa helay codod gaaraya 5.469, halka ururka Mideeye oo kusoo xigay uu helay 5.173, ururka Cadaaladda & Sinaanta ayaa helay 4.197 cod.

33 kursi ee golaha Deegaanka ayaa loo kala helay sidan:

Kaah – 12 Kursi
Mideeye – 11 Kursi
Cadaaladda iyo Sinaanta – 9 Kursi
Ifiye – 1 kursi

Dumarka kuraasta helay ayaa gaaraya 9 xubnood oo ka kala socda sadexdda urur ee ugu waaweyn taasi oo ka dhigan in 27% cododka ay heleen murashaxiinta Haweenka ah ee kuraasta ku guuleystay.

Ururada kale ee tartanka ka qeyb galay ayaa helay codod aan ku filneyn inay ku helaan kuraas, waxaan kamid ahaa ururada; Horseed, Mustaqbal, Runta & Cadaaladda, Dhalinyarada iyo Shaqaalaha Xoogsatada ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *