Natiijada Horudhaca ah ee Doorashadii Degmada Ufayn – Puntland

Published: October 26, 2021

Guddiga Doorashada ayaa ku dhawaaqay natiijada horudhaca ah ee cododka la tiriyey degmada Ufayn.

Degmada Ufayn ee gobalka Bari ayaa waxay codbixinta ka dhacday 11 xarumood / seejooyin, kuwaasi oo 2 kamid ah ku yaalaan gudaha magaalada Ufayn, halka 9ka kale ay yaaleen tuulooyinka hoostaga degmada.

Natiijada horudhaca ah ayaa muujineysa ururka Madaxweyne Deni ee KAAH inuu ugu codod badan yahay isagoo helay 1.687 cod, iyadoo ay kusoo xigaan ururada Mideeye (1.300) iyo Cadaaladda & Sinaanta (1.248).

Ma jiro urur heysta aqlabiyadda cododka taasi oo keeni doonta in isbaheysiyo lagu soo dhiso maamulka degmada.

Waxaa naatiijada horudhaca ah ay sidoo kale muujineysaa inay yartahay tirada cododka khaldamaya ama xumaaday iyo waliba cododka la isku heysto.

Degmada Eyl oo cododkeeda la tiriyey ayaa lagu wadaa in dhawaan lagu dhawaaqo, waana degmada labaad ee ugu weyn sadexdda degmo oo ay codbixinta ka dhacday.

Waxaa weli socota tirinta cododka degmada ugu weyn ee Qardho oo ay xalay illaa saqdhexe ay codbixinta ka socotay maadaama ay aad u badnaayeen dadka degmadaasi cododka ka dhiibtay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *