Qoor Qoor oo ka hadlay dagaaladii ka dhacay Guriceel

Published: October 26, 2021

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Axmed Qoor Qoor oo maanta shaaciyey muuqaal ayaa sheegay in uu ka tacsiyeenayo dadkii waxyeelada ay kasoo gaartay dagaalkii sadexddii maalmood ee lasoo dhaafay ka socday magaalada Guriceel ee gobalka Galgaduud.

Hogaamiyaha Galmudug ayaa baaq uu u diray Dowlada Federaalka iyo Shacabka ka codsaday in wax loo qabto dadkii ka barokacay magaalada Guriceel, isagoo sheegay in maamulkiisa uu guddi u magacaabay u gargaarida shacabka guryahooda ka qaxay.

Qoor-Qoor ayaa dagaalka ku eedeeyey Ahlusunna Waljamaaca oo uu sheegay inay dano gaar ah iyo dano-shaqsi ay ku raadsanayaan magaca Ahlusunna Waljamaaca, isagoo sidoo kale sheegay inay gadaal ka riixayaan “dad dano qaloocan” leh.

Mawqifka Galmudug ayuu sheegay Qoor-Qoor inay tahay weli inay diyaar u yihiin inay wadahadal la galaan cidii tabasho qabta, balse aysan qaadan doonin weerarka hubeysan oo uu sheegay inay kusoo qaaday Ahlusunna Waljamaaca.

“…Dowlada Galmudug waxay ku khasbanaatay inay is difaacdo, waxay duulaan ku yihiin (Ahlu Sunna) dowlada iyo sharciga Galmudug…” ayuu yiri Axmed Qoor Qoor.

Dhinaca kale wuxuu sheegay hogaamiyaha Galmudug inay jiraan taageero ay Ahlusunna Waljamaaca ka helayso, xoogag kale oo Soomaaliyeed iyo Ajaanib uusan magacaabin balse sheegay inay gadaal kasoo bandhigi doonaan cadeynmaha ay u hayaan dhinacyadaasi uu eedeeyey.

Doorashada Federaalka iyo la dagaalanka Argagaxisada ayuu sidoo kale sheegay in ay sii wadi doonaan oo aysan ka leexin doonin dagaalada ka dhacay magaalada Guriceel.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *