Booliiska Yurub oo sameeyey Hawlgal caalami ah oo lagu xiray 150 qof

Published: October 27, 2021

Hawlgalkan oo loogu magacdaray (DarkHunTOR) ayaa sidoo kale gacanta lagu dhigay lacag malaayiin Yuuro ah iyo Bitcoin, daroogo baddan iyo waliba hub.

Booliska wadamo kala duwan oo caalamka ah ayaa xiray 150 eedaysane ah oo ku lug lahaa wax ka iibinta alaabaha sharci darada ah ee Internetka, hawlgalkan ayaa sidoo kale lagu qabtay mid ka mid ah daroogada xashiishka abid ugu badnaa oo lagu gadi jiray shabakadaha internetka ee qarsoon (Dark web).

Hawlgalka DarkHunTOR ayaa sidoo kale soo helay malaayiin Euro oo lacag caddaan ah iyo lacagta internetka wax lagu gato ee Bitcoin, waxay booliiska sidoo kale gacanta ku dhigeen hub kala duwan, sida uu sheegay Booliiska Yurub ee Europol.

Booliiska Maraykanka oo hawlgalkan ka qeyb qaatay ayaa dalkooda ku qabtay 65 qof, halka 47 lagu hayo dalka Germany, 24 eedeysane ayaa lagu xiray iyagana dalka UK, Talyaaniga ayaa iyaguna xiray 4 qof, waxaa sidoo kale jira dad lagu xiray wadanka Netherlands (Holland) iyo wadamo kale.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *