Madaxweyne Deni oo u socdaalay Garoowe

Published: October 27, 2021

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa u safray Magaalada Garoowe, ka dib maalmo uu ku sugnaa Magaalada Qardho oo ay ka socotay doorashada golaha deegaanka degmada ee Qof iyo cod.

Madaxweyne Deni ayaa beri gudoominaya shirka golaha Wasiirada kaasoo wararku sheegayaan in looga hadlayo sidii loo bilaabi lahaa doorashada Aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale la filayaa in uu furo kal-fadhiga Golaha Wakiilada Dowlada Puntland.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *