Mashruuca Ileyska Cadceedda Kob-dhexaad ee degmada Ufeyn

Published: October 27, 2021

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa dhagax dhigay Mashruuca Ileyska Cadceedda ku shaqeeya ee deegaanka Kob-dhexaad oo ka tirsan degmada Ufeyn.

Mashruuca ileys-ka cadceeda ku shaqeeya ee Madaxweyne ku-xigeenku ka dhagax dhigay deegaanka Kob-dhexaad ayaa qeyb ka ah baahiyaha deegaankaasi, oo ay dowladdu ka jawaabtay.

Degmada Ufeyn ee gobalka Bari ayaa kamid ahayd sadexddii degmo ee ugu horeysay oo ay todobaadkan ka dhacday doorashadii Qof iyo Cod ee lagu soo doortay Golayaasha Deegaanka ee Puntland.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *