Baanka Adduunka oo Suudaan ka joojiyey gargaarkii afgembiga ka dib

Published: October 28, 2021

Bangiga Adduunka ayaa hakiyay lacagihii uu ku bixin jiray mashaariicda dalka Suudaan, go’aankan oo jawaab u ah afgembigii militariga xukunka kala wareegay dowlad ku meel gaar ah.

Xayiraadan dhaqaale ayaa lagu soo beegay xili ay shaqaalaha shirkadaha batroolka ee dowladda, dhakhaatiir iyo duuliyeyaal ay ku biireen kooxaha rayidka ah ee ka soo horjeeda inqilaabkii militariga.

Kumanaan qof ayaa isugu soo baxay waddooyinka tan iyo maalintii isniinta ee afgambiga uu hogaaminayay taliyaha ciidamada Jeneraal Abdel Fattah al-Burhan, waxaana dhowr qof lagu dilay isku-dhacyo ay la galeen ciidamada ammaanka.

Burhaan ayaa kala diray golihii dalkaasi maamulayey oo ka koobnaa militariga iyo rayidka ee loo dhisay inay dalka gaarsiiyaan doorasho dimuqraadi ah kadib kacdoonkaii 2019 ee xukunka looga tuuray hogaamiyihii hore Cumar Al-Bashiir.

Jeneraalka ayaa sheegay inuu inqilaabka ku dhaqaaqay si uu uga hortago dagaal sokeeye oo dalkaasi ka dhaca, balse go’aanka Bangiga Adduunka ee lagu joojiyey lacagaha iyo mashaariicda horumarinta waxa ay dhabarjab weyn ku tahay wadanka Suudaan oo kamid ah dalalka Afrika ugu saboolsan.

Waxaa horey u sheegay inay deeqda dowlada Suudaan ka jarayaan wadanka Maraykanka iyo dalalka Midowga Yurub.

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay oo shalay ka shiray xaalada Suudaan ayaa weli laga sugayaa inay kasoo saaraan qaraar ku aadan sidii loola macaamili lahaa militariga la wareegay awooda dalkaasi.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *