Maraykanka oo ka walaacsan Gantaal ay China tijaabisay

Published: October 28, 2021

Taliyaha guud ee ciidamada Mareykanka Jeneraal Mark Milley ayaa sheegay in tijaabada hubka Shiinaha ay leedahay saameyn taariikhi ah.

Jeneraal Mark Milley ayaa ku tilmaamay tijaabadii dhawaantan ee gantaalaha (hypersonic) ee dunnida isaga goosha “horumar tignoolajiyadeed oo aad u muhiim ah oo uu dalka Shiinaha sameeyey”.

Toddobaadkii hore, ayey warbaahinta caalamka shaaciyeen in Shiinuhu uu sameeyey laba tijaabo oo ah gantaalada cusub ee ah nooca (hypersonic).

Gantaalkan cusub ayey falanqeeyayaasha ay sheegeen in uu si degdeg ah adduunka isaga gudbi karo, aysana soo qaban karin ama ka hortagi karin nidaamyada radar-ka casriga ah, lagana yaabo in uu aad uga sarreeyo difaaca gantaalada Mareykanka.

Jeneraal Milley waxa uu intaa ku daray in tignoolajiyada Shiinaha iyo awoodaha hubka ay “si degdeg ah u sii fidayaan”, walow uu sheegay in Maraykanku uu la qabsan doono.

Xiligan waxaan ku jirnaa wakhti isbeddello waaweyn oo muhiim ay adduunka ka dhacayaan waxaana ku khasbanahay inaan dib-u-habeyn iyo horumarin cusub ku sameyno ciidankeena..” ayuu yiri Taliyaha Ciidamada Maraykanka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *