Shirka amniga Gobolka Bari oo looga hadlay xoojinta amaanka Bosaaso

Published: October 28, 2021

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa Shir gudoomiyay shirka Amniga Magaalada Bosaaso kaas oo manta diirada lagu saaray xaaladihii ugu danbeeyay amniga iyo shaqooyinka ka soconaya saldhigyada Bosaaso waxana warbixino soo gudbiyay Taliyaasha saldhigyada kuwaas oo ka waramay shaqooyinka amniga xaafadaha.

Shirkaan oo ay ka soo qayb galeen Dhamaan Taliyaasha Saldhigyada, saraakiisha Booliska Gobalka Bari, ayaa waxaa diirada lagu saaray sare uqaadida amniga guud iyo kan gaar ahaan oo marti galinaysa Doorashada Kuraasta Aqalka Hoose ee Xilibaanada Cusub Dowlada Fadaraalka Soomaaliya oo sida qorshu yahay in Bosaaso Lagu Qabto Dorashadaas.

Gunaanadka shirka Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari ayaa faray laamaha Amaanka in ay si weyn u adkeeyaan Amniga Gobalka iyo degaanada ku xeeran.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa Dhamaan Ciidanka Booliska Gobalka Bari Uga Mahadceliyay Kaalinta amniga oo ay marwalba u taagan yihiin ciidamadaan waxana uu ku dhiirigaliyay in ay halkaas ka sii wadaan dardar galinta amniga waxana uu faray in marwaba ay ku jiraan heegan Buuxa oo amniga ah.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *