Beesha caalamka oo soodhaweysay Doorashadii Qof iyo Cod ee ka dhacday Puntland

Published: October 29, 2021

Beesha Caalamka ayaa soodhaweysay doorashadii qof iyo cod ee ka qabsoomtay degmooyinka Qardho, Ufeyn iyo Eyl oo markii ugu horeysay shacabku ay soo doorteen Xildhibaanada ku matalaya Golayaasha deegaanka degmooyinka.

Qoraal kasoo baxay Beesha caalamka ayaa lagu sheegay in saaxiibada caalamka ay ugu hambalyeynayaan shacabka Puntland ee hormuudka u ah hirgelinta nidaamka doorashada guud oo ka hirgasha Soomaaliya oo dhan.

Saaxiibada beesha caalamku waxay soo dhawaynayaan xamaasadda ay muujiyeen shacabka ku dhaqan degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn, sida ka muuqata tirada badan ee codbixiyaasha ah ee soo baxay. Waxaan rajaynaynaa dhamaystirka diiwaangelinta codbixiyayaasha dheeraadka ah iyo soo saarista doorashooyinka dawladaha hoose ee guud ahaan dawlad goboleedka Puntland sanada 2022. La-hawlgalayaashu waxay ku ammaanayaan dhammaan dhinacyada ay khusayso doorkooda geeddi-socodka, iyagoo si gaar ah u xusay wada-shaqeynta wax-ku-oolka ah ee ka dhaxaysa Guddiga Ku-meel-gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC), ururrada siyaasadda iyo ururada bulshada rayidka ah.

ayaa lagu yiri qoraalka

Guushan dhiirri-gelinta leh ayaa muujinaysa suurtagalnimada in doorasho guud ay ka dhacdo Soomaaliya. Saaxiibada Beesha caalamku waxay hoosta ka xariiqeen sida ay uga go’an tahay inay taageeraan doorashooyinka marka ay ka dhacayaan heer deegaan, heer gobol iyo heer qaran oo dalka oo dhan ah.

ayaa lagu soo gaba gabeeyay qoraalka beesha caalamka.

Wadamada iyo ururada Caalamiga ee soo saaray Warka ayaa kala ah Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Denmark, Masar, Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Poland, Qadar, Ruushka, Sacuudiga, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *